wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka
Waxaa maanta aay ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Amisom uu dagaal culus dhex maray Xooggaga ka soo hor jeeda ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam waxaana caawa aay ciidamada dowladda ku sugan yihiin afka hore ee Isgoyska Howlwadaag iyadoo dagaalka oo bilowday gelinka dambe ee maanta uu ahaa dagaal aan la isula harin hubka nuucyadiisa oo dhan.
Taliyaha Guutada Maaxtooyada Generaal C/llaahi Cali Caanood oo Radio Muqdisho kula hadlay Aagga hore ee dagaalka ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen ciidamadu taana ay sababtay in ay ka bixiyaan fariisimo dhowr ah oo ay ku sugan yihiin hadda ciidamada Dowladdu.
Dhanka kale waxaa la arkayay ciidamo cusub oo wata dresska ciidamada Xoogga dalka kuwaasoo u dagaalamaya si aan hagar lahayn, waxaana sidoo kale saraakiisha ciidamada xoogga dalka aay galabta muujiyeen firfircooni iyo hufnaan sidaasi waxaa inoo soo sheegaya weriyeheena ku sugan meel aan ka fogayn jiida dagaalka.
Ugu dambeyn dagaalka galabta oo ay Ciidamada dowladda guulo ka gaareen ayaa waxaa dhanka rayidka soo gaaray dhaawac iyo dhimasho kadib markii aay halakeysay rasaasta labada dhinac aay si weydaarsanayeen, qasaaraha wararka ugu dambeeya waxa uu sheegayaa inaay dhimashadu gaarayso ilaa 15 halka dhaawaca uu yahay in ka badan 5 qof.