Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Guulihii ay Ciidamada qalabka sida ka gaareen dagaalladii ay Maanta la galeen Maleeshiyaadka Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya. waxaana la geeyay goobaha ay qabsadeen wariyeyaal madaxbanaan kuwaasoo indhahooda ku soo arkay sawirana ka soo qaaday.
Ciidamada Dowladda oo garabsanaya Amisom ayaa maanta la wareegay goobo ay kun sugnaayeen Shabaab iyo Xisbiga ka gadaal dagaal saaka ilaa galabta soconayay, sida weriyeyaasha goobaha dagaalka tagay oo sheegayaan waxaay ciidamada dowladda ku durgeen goobo horleh sida dhanka Howlwadaag oo aay afka hore joogaan meel waxyar u jirta Suuqa Bakaaraha iyo Boondheere iyo shibis oo aay la wareegeen dhufayso aay lahaayeen Alshabaab.
Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay Guulihii ay Ciidamada qalabka sida ka gaareen dagaalladii ay Maanta la galeen Maleeshiyaadka Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya. waxaana la geeyay goobaha ay qabsadeen wariyeyaal madaxbanaan kuwaasoo indhahooda ku soo arkay sawirana ka soo qaaday.
Daawo Sawirrada Dagaalka Maanta