Mon, Nov, 09-2009 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Waxaa mar qura hoos u dhac weyn laga dareemay suuqyada waa weyn ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay qiimaha lakala sarifo dollarka mareekanka kaa sii maalinkii shalay hoos u dhacay.

 
Iyadoo muddooyinkaan magaalada Baydhabo suuqayadeeda ay ka taagneen hadal heynta ugu weyn qiimaha uu maalinkasta is dhimista isku wada lacagta dollarka mareekanka ayaa maalintii mar quru waxa uu isku istaajiyay 100$ oo lagu sarifayay 3300,00 shilin soomaaliya, halka bilooyinkii ugu dambeeyay uu mararayay 3320,00 shilin somaliya.
 
Mar aanu miiskiisa ugu tagay mid ka mid ah ganacsatada sarifka lacagaha dollarka mareekanka ayuu waxa uu ii sheegay in suuqayada Baydhabo maalmahani sii yaraaneysay lacagtaha xoosta ah taasina keentay in dollarka uu hoos u dhaco.
 
Sikastaba, hoos u dhaca ku imaaday qiimaha lagu sarifo dollarka Mareeykanka ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay bulsha weyn reer Baydhabo, walaw ay sheegeen in ay si aad ah u soo dhaweyn lahaayeen haddii  uu raashiinka laftiisa hoos u dhac inuu ku imaado.
 
Ugu dambeyntii, saakay ayaa suuqyada Baydhabo uu ku waabariistay qiimahii shalay lagu kala hooydey ee dollarka mareeykanka uu maryay, walaw lama saadaalin karo saacadaha soo socda sida uu isu badi doono in uu hoos u sii socdo ama uu meeshiisa uu ku laabto.
 
Xafiiska Wararka Bay iyo Bakool
Baydhabo

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :