Fri, Sep, 14-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Banaan Baxyo waawayn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii uu Nin u dhashay Mareykanka ugeestay Nabigeena Muxamed{CSW}ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay Deegaano badan oo ka Mid ah Dalkeena Soomaalia waxaana Banaan baxaasi ka qayb galay qaybaha kala Duwan Ee Bulshada, Meelaha maanta ay ka soconayaan Banaan Baxyada ayaa waxaa ka mid ah Magaalada gaalkacyo Ee xarunta Gobolka Mudug halkaa oo ay isugu soo baxeen dad Aad ufara badan oo aad uga careesnaa Aflagaadada uu Ninkaan yuhuudiga ah kula kacay Rasuulkeena Muxamed CSW iyo Diinteena Islaamka waxaana ay ku qaylinayeen Erayo ka dhan ah dadkii Sameeyay Filimka iyo Dowlada Mareeykanka Xubno ka tirsan Culumaudiinka Ahlu sunna oo ka Qayb galay Banaan Baxa ayaa waxaa ay aad uga hadleen Aflagaadada ka soo baxda Ninka udhashay wadanka Mareykanka waxaana ay aaad u cambaaareeyeen Falkaasi iyagoo ka dalbaday Dowlada Mareykanka in ay tilaabo ka qaado Ninkii sameeyay Filimkaasi . Sidoo kale waxaa ay banana baxyo kuwaa la mid ah ka soconayaan degmooyinka Gobolka galgaduud sida dhuusa mareeb iyo guriceel oo dadku ay banaanka isugu soo baxeen iyagoo ka careysan waxa uu ku kacay nuinkaan ameerikaanka ah oo Filimka uu soo saarray ku aflagaadeeyay Rasuulkeena Muxamed SCW. Dhinaca kale Masaajidada Magaalada boosaaso ayaa maanta Qudbadaha salaada Jumcaha waxaa looga hadlay arintaasi waxaana ay Culimadu Sheegeen in ay Cambaareynayaan Filimkaasi cida sameysay ayna ku raacsanyihiin dadka Muslimiinta ah ee Dhigaya banana Baxyada Wadamo badan oo dunida Muslimiinta ah ka dhigaya .
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :