Fri, Sep, 14-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
Waxaa hakad ku yimid lacagihii Canshuuraha ee Maamulka gobolka Hiiraan uu ka qaadi jiray Magaalada Baladweyne ee gobolkaasi.

Axmed Inji ayaa waxa uu tilmaamay in ganacsatada ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan laga qaadi jiray lacago Canshuuro ah, hase ahaatee si loo soo celiyo sharciga iyo nidaamka iminka Maamulka uu hakad galiyay arrimahaasi.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in wali Maamulka Gobolka aanu fulin adeegii bulshada oo ay waajibka u lahaayeen shacabka, taasna ay qeyb ka tahay in la hakiyo canshuurta.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Baladweyne ka jiray is qab qabsi ku aaddan dhinaca lacago qaadista ee Canshuuraha ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi ay marar badan eedeymo isu jeediyeen.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :