G/BAARLAMAANKA OO KULAN LAQAATAY WAFDI KASOCDA DALKA SUDAN Views: 275
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday dowadda Sudan kuwaas oo uu kula hadlay xiriirka ka dhaxeeya Labada dowladood iyagoo usoo gudbiyey salaan ay uga sidaan dhiggiisa dalkaasi.
Wafdiga uu qaabilay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha
Baarlamanka ayaa waxaa hoggaaminayay Danjiraha Sudan u fadhiya
Soomaaliya, waxeyna u gudbiyeen guddoomiyaha Baarlamanka Salaan diirran
iyo hambalyo ay uga sideen dhiggiisa dalka Sudan, iyagoo ka wadahadlay
sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeya Baarlamannada iyo
iskaashiga Labada dowladood.
Danjiraha Sudan u fadhiya Somalia iyo mas’uuliyiinta la socotaba waxa
ay soo dhaweeyeen isbedellada siyaasadeed ee ka dhacaya dalka
Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in dowladda Sudan ay dooneyso in xiriir
wanaagsan iyo iskaashiba la yeelato dowladda cusub ee Soomaaliya.
Dowladda Sudan ayaa ka mid ah waddamada sida gaarka ah u garab
taagnaa shacabka Soomaaliyeed xilliyadii dhibaatada ay dalka ka jirtay.
|