Thu, Jul, 12-2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FREIND  
War saxaafadeed laga soo saaray kulan ay magaaladda Addis-Ababa ku yeesheen wasiiradda arrimaha dibbadda wadamada ku jira urur goboleedka IGAD ayaa waxay ugu baaqeen saxiixayaasha Road-Map,ka ee Soomaaliya inay joojiyaan hadalada kul kul ee ay warbaahinta isku mariyaan iyo shirararka gooni goonida ah ee ka dhanka ah qorshaha Road-Map,ka inta lagu guda jiro marxaladda kala guurka ah ee wadanku hadda ku jiro.
Sida war saxaafadeedka ku qoran madaxda Soomaalida ee saxiixay qorshaha Q,Mgar wadeenka ka tahay ee Tubta Nabada loogu magic daray waxaa loo jeediyay inaysan kas soo hor jeesan qiorshaha socda ee ladoonayo in wadanka looga saaro xaaladda KMG ah looguna gubayo dawlad dhexe ee wadanku yeesho.

IGAD waxaa ay war saxaafadeedkeeda ku sheegtay in cid kasta oo loo arko inay carqaladaynayso hanaanka Soomaaliya looga saarao ku meel gaarnimada laga qaadi tilaabo adag oo la cuna qabatayn doono.

“Waxaan ugubaaqaynaa madaxda Soomaalida inaty joojiyaan hadalada kul kul ee ay hawada isku mariyaan waayo waxay dhibaato ku tahay qorshaha looga baxayo ku meel gaarnimada” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ay soo saareen wasiiradda arrimaha dibbada wadamada ku jira urur goboleedka IGAD .

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustina Mahiga ayaa ayaa dhawaan digniin u diray cid kasta oo carqalad ku noqota in Soomaaliya ku meel gaarnimada ka baxdo


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :