CIIDAMADA HUWANTA OO KUWAJAHAN MARKO IYO BARAAWE. Views: 568
Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomalaiya Jeneral Cabdikarin Yuusuf Aadan (Dhagabadan) ayaa carabka kudhuftay in la dhameeyay diyaar garowgi ciidamada xooga dalka ay kula wareegi lahaayeen inta hartay degmooyinka gobolka Shabeelada Hoose.
Jananka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadooda ay dhaqaaq fiican kasameeyeen dhanka howdka ah iyo wadada dheere ee KM50, isagoo sidoo kalena sheegay in si garba siman ah ay iminka ciidamada ugu sugan yihiin dhulka howdka ah iyo wadada laamiga.
Dhagabadan ayaa sidoo kale umahad celiyay qeybaha bulshada oo uu sheegay in taageero hiil iyo hooba lagarab taagan yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.
Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay goobaha ugu muhiimsan ay ciidamada dowlada ka sameesan doonaan difaaca gobolka Shabeelada Hoose oo uu kaxusan degmooyinka Marka iyo Baraawe oo ku tilmaamay degmooyin istaraajiiti ah.
“Cid kama qarinayo Ciidamada waxay ku wajahan yihiin Magaalada Marka, waayo meelo badan oo muhiim ah ayaan ka qabanay gobolka Sh/hoose” sidaasi mar kale waxaa yiri Abaan duulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan).
Caga jugleenta abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaanu wax jawaab ah kasoo saarin madaxda Alshabaab oo la rumeesan yahay in badan oo kamid ah iney xarumo kasamesteen magaalooyinka Marka iyo Baraawe oo ah halka iminka diirada usaarantahay ciidamada is garabsanaya ee AMISOM Iyo dowlada.
|