Hadaba maamulka shirkada Dahabshiil ayaa durba kabilaabay magaalada Muqdisho howlo lagu dar dargalinayo macaamiishi shirkada Telcom ee mudooyinki udambeeyayba ay ka muuqdeen hanaan dayacaad ah iyadoo shirkadana ay soo bandhigtay adeeg telfoon oo lacag la'aan ah mudo bil ah.
Suuqyada Muqdisho ayaa durba waxa laga waayay Kaararki shirkada isgaarsiinta Telcom oo qaab bilaash ah lagu qaadan jiray marka hore balse iminka suuqyada ka marayo qiimo dhan halki SIMCARD 5$ .
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dib u habayn ku samayn doonto dhanka Shaqaalaha iyo maamulka, isla markaana Adeeg loogu magac daray IIKAASH oo la mid ah adeegyada EVC-Hormuud iyo EMAAL- Nation link ku kordhinayaan howlaha Isgaariinta Telcom Somalia, iyadoo shirkadda Dahabshiil xudun u noqon doonto bixinta lacagahaasi.
Tartanka isgaarsiinta Soomalaiya gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa uu indhawaalaba udhaxeeyay hsirkadaha Hormuud iyo Nation oo runti tartankooda ay ku diirsadeen shacabka Muqdisho marka la bar bar dhigo inta aysan bur burin heshiisyo udhaxeeyay shirkadahaasi oo dadka shacabka ah dhuunta looga qabanayay.
"Mar walba oo shirkadaha soo bataan waxa dadka danleyda ah ay heli doonaan faa'iido weyn waayo shirkad walba waxey sameeneesa soo dhaweyn si ay uhesho taageerada Shacabka", ayeey tiri Fardowso Cisman Cali oo kamid ah ardayda wax kabarata jaamacadaha Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa xiligaan umuuqato mid ka gudbeeso waayadi dagaalada iyadoo sidoo kalena ganacsatada Soomaaiiyeed ay ku tartamayaan maalgashiga ganacsiga magaalada kasocda iyadoo ay xusid mudantahay in magaalada ay sida daadki ugu soo fataheen shirkado isgaarsiineed iyo kuwa xawaaladaha walow ay xusid mudantahay in wili xaalad cakirnaan ah ay kajirto dhanka helita adeega Internetka oo xiligaan dunida kajooga adeega ugu muhiimsan balse ganacsatada lamoodo kuwa aan ku baraarugin
Halkan ka raadi wixii aad internet-ka oo dhan uga baahan tahay Google Custom Search waa aalad casri ah
Warsheekh Official News Resources
Gothenburg Sweden
Wixii fikir ah noogu soo Dir: webmaster@warsheekh.com